150,000 Boolis ah oo la geeyay goobaha doorashada Kenya

0
328

Booliskan oo tiradiiso gaareyso 150,000 (Boqol iyo konton kun) oo Askari ayaa xil ka saaranyahay xaqiijinta amniga goobaha doorashada iyada oo ay jirto cabsi  dhinacyo badan.

Midi waa midda amniga dhanka Al-shabaab,waxaana ay dowladda sheegeysaa in ciidamadaas loo diyaariyay in ay nabad gelyada doorashada xaqiijiyaan.

Sidoo kale waxaa laga baqayaa rabshado dhexmaraya Taageerayaasha Mucaaridka iyo kuwa Muxaafidka oo iyana isu bira tumanaya.

Musharraxa Mucxaaridka ee NASA Rail Odinga ayaa sheegay in haddii laga guuleysto uu natiijada  doorashada aqbalayo,waxaase uu sheegay in haddii uu arko wax is daba marin uu ka hor imanayao.

Sidoo kale Madaxweynaha Talada haya ee Jubilee Uhuru Kenyatta ayaa isna sheegay in uu natiijada doorashada aqbalayo haddii laga guuleysto.

Joseph Boinnet,oo ah Taliyaha Booliska Kenya ayaa sheegay in goob kasta oo ay cod bixin ka dhaceyso loo diyaariyay Ciidamo ku filan sugidda amniga degaankaas.