(Akhriso) Dowladda Soomaaliya oo ka noqotay heshiisyadii ay kula jirtay Shirkadihii Gaarka ahaa

0
357

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gabi ahaanba ka baxday heshiisyadii ay kula jirtey dhamaan shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay ee bixiya adeegyada kala duwan ee Dowladda loo sameeyo.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle oo ku kala socotay guud ahaan  Wasaaradaha salka, isla markaana la ogeysiiyay Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, Hanti dhawraha Qaranka, Xisaabiyaha Guud iyo Hay’adaha kale dalka ayaa lagu cadeeyay laga bilaabo 31 July inay xukuumadda Federaalka  ka baxday dhamaan heshiisyadii ay kula jirtey shirkadaha sida qaaska ah loo leeyahay, wareegtadaasi oo soo baxday 29/6/2017  ayaa shirkadaahaasi waxaa loogu qabtey muddo labba Maalin oo qura.

Waregtadaasi ayaa lagu farey Waaxda Canshuuraha Berriga ee Wasaaaradda Maaliyadda inay la wareegtio idil ahaan shaqooyiinkii ay hayeen shirkadahaasi, amarkaan ayaan saameyn doonin shirkadaha Turkiga ee maamula Garoonka Diyaardaha iyo Dekadda Muqdisho, kuwaasi oo wareegtada lagu sheegay inaaney ku jirin kuwa heshiisyada looga baxay.

Berri ayaa la hadal hayaa in wareegtadaasi la hor geeyo oo looga doodo shirka khamiislaha ah oo ay isugu yimaadaan Golaha Wasiirada Soomaaliya, Waa markii ugu horeysay ee amar sidaa u weyn uu ka soo baxo   Xukuumada Xasan Cali Kheyre,  lama oga sida uu amarkaan u fuli doono.

Shirkadaha heshiiska looga baxay oo dhmaantood ay Soomaali leedahay waxay kala yihiin:-

1- .Shirkadda Visooyinka,

2-.Shirkadda Pasaporka,

3- Shirkadda Lesinada iyo Taargooyinka,

4- Shirkadda Tresmitralaha,

5- Shirkadda Gaadiidka Airporka,

6- Shirkadda Sameysa Shahaadooyinka

7-Shirkadda Notaayoyinka/Superlogoyinka,

8- Shirkadda Quality Controlka,

9-. Shirkadda PGM ee Dekadda

11- Shirkadda Scanka Dekadda,

12-Shirkadda Shatiyada kala duwan,

13- Shirkadda Sameyso Dhalashada iyo Kaarka Aqoonsiga.

14- Shirkadda Canshuuraha Guryaha,

15 Shirkadda Shidaalka siisa Ciidanka,

16 Shirkadda Raashinka iyo Cuntada siisa Police-ka,

17 – Shirkadda Shidaalka siiso Gobolka Banaadir.

Shirkaddahan ayaa waxaa heshiiska la gashay dowladdii hore, waxaana la sheegayaa in dowladdu ku bedeshay shirkado kale oo ay wax ku leeyihiin Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo shaqsiyaad ehelo la ah Madaxda dalka.

Halkan hoose ka akhriso Wareegtada Wasiirka Maaliyadda:-