AKHRISO: Garyaqaanka Guud oo ayiday xukunkii Maxkamadda sare

0
405

Garyaqaanka Guud ee dowladda Soomaaliya Dr. Cusmaan Cilmi Guuleed ayaa soo saaray qoraal uu ku ayidayo xukunkii ay riday Maxkamadda sare ee dalka ee ahaa in dib loogu celiyo doorashada 8-kursi oo muran la geliyay sharci ahaanshahooda.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horay u laalay Go’aankii Maxkamadda Sare ee dalka, waxaana jira Muran arintaasi ka dhashay.