Al.Shabaab Oo Dad Shacab Ah Ku Dilay Gudaha Wadanka Kenya

0
344

Dagalyahano ka tirsan Shabaab ayaa weerar khasaare ba’an dhaliyay shalay gelinkii dambe waxa ay ka geysteen degaanka Yongoro oo ka tirsan degmada Witu ee dowlad degaanka Lamu ee gobolka xeebta dalka Kenya.

Weerarkan ayaa la sheegay in lagu dilay Saddex nin oo saarnaa Gaari Bus ah, kaasi oo ay leedahay shirkadda Kipini Raha, marayayna wadada weyn ee lagu magacaabo Garsin High Way.

Weerarkan ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay madaxa howlgalada ee Keynta Boni Linda boni, wuxuuna sheegay in ay socdaan Howlgallo lagu raadinayo raggii falkan ka dambeeyay.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada amniga oo ku sii jeeday degaanka Kipini kana yimid magaalada Milindi ayaa ku guuleystay in ay badbaadiyaan shacabkii kale ee saarnaa Gaarigaasi.

Laamaha amniga ee dowlad degaanka Lamu ayaa durbaba halkaasi ka bilaabay Howlgallo lagu baadigoobayo kooxihii weerarkaasi ka dambeeyay, oo la sheegay in markii dambe ay dib ugu laabteen Keynta Boni.

Dhowaan ayay aheyd markii Isku Duwaha Dhanka ammaanka ee Gobolka xeebta dalka Kenya Mr. Nelson Marwa uu uga digay Gaadiidleyda isticmaasha wadada xiriirisa Dowlad Goboleedyada Laamu iyo Mombasa in aysan socdaalin, iyagoo aan wadan ilaalo ka tirsan Booliska Kenya.