Al-Shabab oo qabsaday saldhigyadii ay Baneeyeen Ciidanka Amisom ee Leego.

0
335

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegay in Ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa ka socda Uganda iyo Ciidanka Dowladda Soomaaliya ay isaga soo bexeen deegaanka Leego oo kamid ahaa saldhigyada ugu Muhiimsan oo ay Sh.Hoose ka joogeen Ciidanka AMisom.

Saraakiil katirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in xalay ay Deegaanka Faarujiyeen Ciidanka Amisom iyadoo daqiiqado kadibba ay kadaba baxeen Ciidanka Dowladda Soomaaliya oo aalaaba aan ku nagaanin meelaha ay Baneeyaan Ciidamada Amisom.

Dagaalyahano fara badan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa durbaba qabsaday deegaanka Leego iyagoo markoodii horeba joogay meelo aan sidaasi uga sii fogeen Deegaanka.

Shabaabka Leego qabsaday ayaa la sheegay iney dhifeysyo ka qodanaya Duleedyada deegaanka iyagoo isugu yeeray Shacabka meel fagaare ah una sheegay in Shareecadii Islaamka dib usoo noqotay Sanado kadib.

Dadka qaar ee Leego joogay ayaa horay usii raacay Ciidanka AMisom iyo kuwa Dowladda ee deegaanka baneeyay maadaama ay ka cabsi qabeen iney beegsadaan Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa Sanadii 2015-Kii weerar xoogan ku galay saldhigyo Ciidamada Burundi ay ku lahaayeen deegaanka halkaas oo lagu dilay askar badan oo katirsan Ciidanka Burundi.