Amniga degaanada Puntland oo la adkeeyay Kadib Koowda August

0
313

Waxaa si weyn loo adkeeyay Amniga degaanada maamulka Puntland xilli ay maanta ku beegan tahay Sanaguuradii 19 -aad ee kasoo wareegatay markii la aasaasay maamulka Puntland.

Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ayaa xalay iyo saakay waxaa ka socda howlgallo kala duwan oo amniga lagu xaqiijiyo.

Madax ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa lagu waddaa in ay ka qeyb galaan Xuska  19 -aad ee kasoo wareegatay markii la aasaasay maamulka Puntland.

Taliyaha La dagaalanka Argagixisada Muxyadiin Axmed Muuse ayaa sheegay in Amniga aad loo adkeeyay,islamarkaana ciidamada Amniga ay ku jiraan heegan buuxa.