{ DAAWO SAWIRADA } Booliska Sacuudiga oo raadinaya nin ku kacay fal dembiyeed caro badan dhaliyey

0
345

Booliska Sacuudiga ayaa baaraysa kiis la xiriira muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada oo muujinaya nin bisado ku tooganaya magaalada Jeddah oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalkaas.

Laamaha ammaanka Sacuudiga ayaa sheegay in ay baadi goobayaan ninkaas gaystay falkaasi arxan darada ah.

Muuqaal lagu baahiyay barta Snapchat ayaa muujinaya ninkaasi oo isticmaalaya qori isla markana tooganaya bisadaha isagoo ridaya rasaas darandoori ah.

Falkan ayaa horseeday inay aad uga caroodaan kumannaan qof oo isticmaala baraha bulshada kuwaasoo ku baaqayay in ninka bisadaha laayay lala xisaabtamo.

Muuqaalka ayaa muujinaya bisadaha oo sakaradaya ka dib markii uu ninkaasi toogtay taasoo kicisay dareenka dadka muuqalkaasi daawaday.

Qaar badan oo ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa ku tilmaamay nin xannuunsan qofka falkan ku kacay.

Qaar kale ayaa bartooda Twiterka ku soo qoray in falka ninkani uu Bisadaha ku laynayo ay tahay mid ka soo horjeeda diinta islaamka.