{DAAWO SAWIRADA} Faah Faahin Dheraad ah Oo Ka sobaxeyso Shil diyaaradeed Oo Ay Ku dhinteen Saraakiil Ka tirsan Ciidamada jabuuti

0
323

Diyaarad yar oo ay la socdeen Saraakiil Militariga Jabuuti ka tirsan, ayaa maanta ku burburtay Garoonka Magaalada Djibouti, wax yar uun ka dib markii ay Garoonka ka kacday.

Diyaaradan, ayaa waxaa saarnaa saddex ka mid ah Saraakiisha Militariga Jabuuti, oo laba ka mida ay dumar yihiin.

Saraakiisha ku geeriyooday shilkaasi diyaaradeed, ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Korneyl Ibraahim C/laahi Geelle, oo muddo afartan sano duuliye ka ahaa diyaaradaha militariga ee nooca yar yar, Hodan Axmed Yuusuf iyo Ilhaan Maxamed Ibraahim.

Hodan iyo Ilhaan, ayaa waxaa la sheegay in loo waday tababar dhinaca duulimaadyada ah, xilligii ay burbureysay diyaaraddii maanta dhacday.

Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidamada Militariga Jabuuti, ayaa waxaa lagu sheegay in sababta keentay burburka diyaaradda ay tahay cilad xagga farsamada ah, oo diyaaradaasi soo wajahday.

Diyaaradan oo nooceedu uu ahaa Safna 206, ayay Jamhuuriyadda Jabuuti duug ahaan kaga soo iibsatay shirkad diyaaradaha samaysa oo dalka Mareykanka laga leeyahay. Diyaaradan oo lix illaa toban ruux qaadda, ayay inta badan Militariga Jabuuti u adeegsan jireen hawlaha gobolada.