{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiiro Ka socday Wadamo Reer Yurub ah

0
324

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta siyaabo kala gooni ah warqadaha aqoonsiga uga gudoomay danjireyaasha dalal ka tirsan qaarada Yurub

Farmaajo ayaa ugu horeyn waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Czech Republic u soo magacawday Soomaaliya Karel Hecj.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay Danjire Karel Hejč inuu guul ka gaaro howlaha loo igmaday, kana shaqeeyo xoojinta xiriirka iskaashi ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Czech.

Dhankiisa, Safiirka Czech waxa uu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay inuu dalkiisa u matalo dalka Soomaaliya oo uu sheegay in muhiimad gaar ah ay ugu fadhido in markii ugu horreysay ergadooda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay howlgasho, waxaana uu yididiillo ballaaran ka muujiyay howlaha horumar ee siyaasad iyo amni ee ay Soomaaliya ku naalooneyso.

Waxaa xusid mudan in ka guddoomidda warqadaha danjiraha cusub ee Czech ay ka dhigan tahay waa cusub oo u dhashay labada dal, iyada oo uu hore u jiray xiriir saaxiibtinimo aad u qoto dheer oo xilliyo kala duwan oo siyaasadeed lahaa.

Xiriirkan ayaa ku sal go’an xiriirkii faca weynaa ee Soomaaliya kala dhexeeyay Jamhuuriyaddii Hanti wadaaga Czechoslovakia Socialist Republic (CSSR) soo taagnaa intii u dhexeysay 1960-1990.
Jamhuuriyaddii Hanti wadaaga Czechoslovakia waxay Soomaaliya ka caawisay dhanka warshadeynta iyo tababaridda farsamayaqaano heerkoodu sarreeyay oo wax soo saarka dalka horumariyay, taasi oo horseeday in dalku sameeyo kobac dhaqaale.

Czechoslovakia ayaa si nabadgelyo leh u kala go’day January 1, 1993, waxa ay u qeybsantay laba dowladood oo kala ah Jamhuuriyadda Czech Republic iyo Jamhuuriyadda Slovakia Republic.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Waqooyiga Ireland u soo magacawday Soomaaliya Mr. Vincent O’nell.

Safiirka iyo Madaxweynaha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal iyo sidii ay u yeelan lahaayeen iskaashi taabanaya dhinacyo badan.