{DAAWO SAWIRADA} Mid ka mid ah dhismayaasha ugu dheer caalamka oo dab xoogan uu qabsaday

0
394

Dab xoogan ayaa qabsaday dhismo aad u dheer oo ku yaalla magaalada Dubai ee Isutagga Imaaraadka Carabta, waana markii labaad mudo labo sano gudahood ah ee dhismahaas uu dab qabsado.

Waxaa la arkayey dabka oo ku faafaya dhismaha Torch Tower iyo burbur holcaya oo ka soo daadanaya.

Dowlada ayaa markii dambe sheegtay in shaqaalaha gurmadku ay ku guulaysteen inay dadka ka daad gureeyaan dhismaha, iyadoo dabkiina la xakameeyay.

Ma cadda wixii sababay dabka ka kacay mid ka mid ah dhismayaasha ugu dheer dunida.

Lama soo sheegin wax dhaawac ah oo dad ka soo gaaray dabkan qabsaday dhismaha Torch Tower, sida ay Twitterka ku soo qoray xafiiska warbaahinta ee Dubai.