{DAAWO SAWIRADA} Muwaadiniin Somali ah oo ku Geeriyooday dab la qabadsiiyay goobahooda ganacsiga

0
334

Muwaadiniin Somaliyed ayaa lagu gubay goobahooda ganacsiga dalka Koonfur Afrika, arintaan oo naxdin iyo qalqal wayn ku abuurtay Somalida dalkaasi ku ganacsata.

Falkaan lagu gubay Goobaha ganacsiga oo ay ku dhinteen Alle u naxariiste Cali Maxamuud Cali, Cabdullaahi Cali Caymooy  ayaa waxaa uu dhacay habeenkii Isniinta oo taariikh-da ku beegneyd 31-ka bishii ina dhaaftay ee July, waxaana loo adeegsaday dhalooyin lagu shubo basiinka ee loo yaqaano “Padrol bamb”

Gudoomiyaha Jaaliyadda Somaliyed ee dalka South Africa Dr Maxamed C/laahi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay aad uga naxeen falkaan, waxaana uu intaasi ku daray in la ogaaday Basiinka loo adeegsaday gubista muwaadiniintaan Somaliyed, kadib markii Camero meesha ku xirnayd ay duubtay.

“Sida laga helay muuqaalka camero ku xerneyd goobta booliskuna uu inoo sheegay waxaa weerarkaan loo adeegsaday dhalooyin nafto ama baziin lagu soo shubay kadibna taraq lagu daaray oo goobta ganacsiga la dhax galiyay, lama oga cidda ka dambeysay lakiin weli waxaa socda baritaano ay ciidamada booliska wadaan” ayuu yiri Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaaliyeed ee dalka South Africa Dr Maxamed C/laahi oo warhaainta qaranka la hadlay .

Laba kale oo muwaadiniin Somaliyed ah ayaa ka badbaaday falkaasi, kuwaasi oo sida la sheegay jiifay goob ku dhagan goobaha ganacsiga ee muwaadiniinta Somaliyed lagu gubay.

Muwaadiniinta dhintay ayaa mid ka mid ah wuxuu gurmad ahaan ugu yimid muwaadin kale oo Somaliyed oo xilliga dabka la qabadsiinaayay goobaha ganacsiga meesha ku jiray, iyadoo qofkii gurmadka ugu yimidna uu meesha ku geeriyooday.

“Wiilkaan ayaa gudaha soo galay si uu u damiyo dabka marka uu gudaha soo galay saddex mar ayuu dhahay, i badbaadiya marka wiilkaan kale ayaa kasoo dabagalay kadiba labadooda meeshaas ayaa nafta uga baxday.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Jaaliyadda

“Dukaanka waxaa uu ahaa mid dhowr nooc isugu jira qaybo kala duwan u kala shaqeeya ninka ku dhintay meeshaan Cali Maxamuud waxaa uu ahaa ninka iska leh hantidaas oo dhan xitaa dhismaha iyo dhulka intaba.” ayuu sheegay Cabdulaahi Wehliye oo ka mid ah ehalada marxuumka.

“Sida laga helay muuqaalka camero ku xerneyd goobta booliskuna uu inoo sheegay waxaa weerarkaan loo adeegsaday dhalooyin nafto ama baziin lagu soo shubay kadibna taraq lagu daaray oo goobta ganacsiga la dhax galiyay, lama oga cidda ka dambeysay lakiin weli waxaa socda baritaano ay ciidamada booliska wadaan” ayuu yiri Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaaliyeed ee dalka South Africa Dr Maxamed C/laahi oo warhaainta qaranka la hadlay.