{DAAWO SAWIRADA} Sida Farlibaax Logu so dhaweyay Madaxweynaha Hirshabelle

0
719

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle cali Cabdulahi Cosoble iyo wafdi u hogaaminayo ayaa gaaray Degmada Far-libaax oo maalintii shalay u magacabay inay ka mid noqoto degmooyinka Gobolka Hiiraan .

 

 

Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ah wasiiro,Xildhibaan,ka tirsan Maamulka Hirshabeelle,Maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada dowlada, iyo Saraakiil ka socoto ciidamada Wadanka jabuti

 

 

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa markii ugaaray farlibaax , waxaana uu halkaas  kulan kula qaatay Odayaasha iyo waxgaradka ka soo jeeda  Far-libaax oo qayaastii dhinaca galbeed ugu beegan magalada Baladweyne 75 KM .

 

Cali cosoble  oo la hadlayay dadka degaanka ayaa sheegay in aay yihiin dadka kuwa ugu adkeysiga badan  sidaas ayaan ku dooranay in aan imaano  Far-libaax oo katirsan ee Gobolka Hiiraan.

 

 

Safarka cali cabdulaahi cosoble ayaa waxaa u ku so beegmayaa xili maalin kahor uu farlibaax ugu dhawaaqay in ay tahay dagmo kamid ah dagmooyinka Gobolka hiiraan,