{DAAWO SAWIRADA} Wararkii ugu Danbeeyay Doorashada Dalka Kenya

0
362

Muran iyo is qab qabsi ayaa ka taagan doorashada madaxweynaha dalka Kenya ee la filayo in ay dhacdo 08 bishan Augusto, kaddib markii dhawaan meydkiisa la helay sarkaal sare oo ka tirsanaa gudiga doorashada dalka Christopher Msando.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa dalbaday in xasiloonida la ilaaliyo kaddib markii dalka ay ka dilaaceen dibadbaxyo culus oo dadku ku dalbanayaa in cadaallada la hor keeno kuwii ka danbeeyay dilka Christopher Msando.

Dadka u dhaqdhaqaaq xaquuqda rayidka ayaa sheegay in wax la aqbali karo aheyn dilka noocan oo kale ah xili doorashada maalmo uun ay naga xigaan.

“Dalka Kenya waxaa ka jira dhaqan ah saraakiil sare oo dhinta, la waayo ama si ula kac ah loo dilo, taasi oo xasilooni darro ku keeneysa doorashada” waxaa sidaas yiri John Githongo oo u dhaqaaqa xuquuqda rayidka.

Wafula Chebukati oo ah guddoomiyaha guddiga doorashada dalka Kenya ayaa sheegay in uu rajeynayo in doorashadu noqoto mid si sax ah u dhacda oo aan madmadow ku jirin, isaga oo intaa ku darray in amaan gaar ah la sii doono guddiga doorashada.

Laakiin haddana dhinaca kale marka la eego durbaba waxaa soo baxaya eedeymo la xiriira in Xisbiga tallada haya uu isku dayayo in uu doorashada ku shubto, waxaana eedeyntaa soo jeedinaya xisbiga mucaaradka ah ee ugu weyn Kenya.

Natiijada doorashada ayaan la ogeyn waxa ay ku danbeyn doonto madaama la og-yahay in horay dalka Kenya kumannaan ruux u dhinteen natiijo doorasho oo lagu murmay.