{DAAWO SAWIRADA} Wasaarada Arrimaha Gudaha Hirshabeelle oo meel gabogabo ah u maraysa dhismaha Dowladaha Hoose

0
296

Wasaarada Arrimaha Gudaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa meel gabogabo ah u maraysa sidii loo dhisi lahaa gole deegaan oo ay yeeshaan afar kamid ah degmooyinka uu ka kooban yahay dowlad goboleedka Hirshabelle.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Caruush Diirow ayaa sheegay inay wadaan qorshihii loogu dhisi lahaa dowladaha hoose ee degmooyinka Jowhar,Beledweyne,Warsheeq iyo Buuloburte oo dhammaan ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabelle.

“Waxa ay Wasaarada Arrimaha Gudaha Hirshabelle oo kaashanaysa Wasaarada Arrimaha Gudaha Federalka iyo hay’ada UNDP ay wadaan soo xulista khubaradii kala talin lahayd arrimaha dowladaha hoose Wasaarada iyadoo imtixaan laga qaaday 30 aqoonyahano Soomaaliyeed ah laga xulay lix khabiir.”ayuu yiri Maxamed Caruush Diirow Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Hirshabelle.

Agaasimaha ayaa intaa ku daray in ay soo codsadeen illaa lix jago oo ay wasaaradu u baahnayd 120 ruux iyadoo kama dambeyn laga soo xulay 30 kamid ah kuwaasoo laga qaaday imtixaan si loo helo aqoonyahan buuxin kara waajibaadka laga doonayo ayuu yiri Agaasimaha Wasaarada Arrimaha  Gudaha Hirshabelle

Soo xulista khubarada kala talinaysa Wasaarada Arrimaha Gudaha Hishabelle sharciga Dowladaha Hoose iyo Maamulka iyo Maareynta ayaa waxaa gacan ka geysanaya qaar ka mid ah Jaamacadaha Soomaaliyeed iyo Hay’ada UNDP.

Dhowaan ayaa shir lagu qabtay magaalada Jowhar horaantii bishii June ee sanadkan waxaa loogaga hadlay sidii loo dhisi lahaa golaha deegaanada degmooyinka dowlad goboleedka Hirshabelle.