{DAAWO SAWIRADA} Waxaa Sii Kordhaya Khasaaraha ka dhashay Qarax Caawa ka dhacay Muqdisho

0
387

Gaari Nuuca Raaxada ah ayaa Salaadii Maqrib kadib ku Qarxay Meel aanan sidaa ugu Fogeyn Isbitaalka Daaru Shifaa oo u dhaxeeyo Isgoysyada Shaqaalaha iyo Taleex.

Inta La xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku geeriyootay 3-Ruux oo la sheegay in ay wadada Marayeen xiligii uu gaariga Qarxaye, waxaana ku dhaawacmay In ka badan 5-ruux.

Gaariga Qarxay ayee Sheegeen dad goob Joogayaal ahaa in uu yaalay Dhinaca Laamiga gaar ahaan qeybta Xigta Isbitaalka.

Ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwa Miino Baarista oo goobta gaaray ayaa naloo sheegay in ay baaritaano ay ku hayaan Haraadiga Qaraxa ka haray.

Af-hayeenka Wasaaradda Amniga ayaa Sheegey in qaraxaasi uu ahaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu  ku qarxay Nawaaxiga Trepiano, Khasaare uu kasoo gaaray Dad Shacab ah oo goobta ka akdhawaa, wuxuu tibaaxay in Laamaha amaanka ay wadaan Baaritaano Dheeraad ah.