Dowladda Soomaaliya iyo India oo kala saxiixday heshiis ku saabsan is dhaafsiga maxaabiista

0
374

afdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa gaaray magaalada New Delhi ee Caasimada Hindiya.

Ujeedka safarka Wasiirka ayaa la xiriira sidii dowladda Hindiya ay ugala soo wareegi lahaayeen maxaabiis gaaraya illaa 118 maxbuus oo ku xiran xabsiyada dalka Hindiya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhiggiisa Hindiya Sushma Swaraj ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan in maxaabiista loo heysto arrimaha la xiriira burcad badeedka lagu soo wareejiyo dowladda Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa dhigaya in maxaabiista xukun ku dhacay in dalkooda ku dhameystaan, si ehelkooda, saaxibadooda ay u soo booqdaan.

Sidoo kale labada dowladood ayaa isku afgartay in in dib u eegis lagu sameeyo xukunka, iyadoo dowladda Hindiya ay leedahay go’aanka dib u eegista.

Waxaa kaloo uu heshiiska dhigaya in labada dowladood Soomaaliya iyo Hindiya ay mid kasta iskeed ay cafis ugu fidin karto maxaabiista, iyadoo waafajineysa shuruucda dalkeeda.

Maxaabiista Soomaaliyeed ee dacwadooda la qaaday waxaa la filayaa in 15-ka ugu horeeya in maalinta berri ay maxkamad ku taal Mumbai xukunkooda ku dhawaaqi doonto.

Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo uu wehliyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Hindiya Abyan Maxamed Saalan ayaa u ambabixi doono magaalada Mumbai, halkaasoo maxaabiista ugu badan ku xiran yihiin.