FAAH FAAHIN DHERAAD AH:.Dagaal u dhaxeeyo labo maleeshiyo oo ka Dhacay magaalada Marka

0
291

Wararka ka imaanaya magaalada Marka ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya maleeshiyooyin hubeysan uu ka socdo bartamaha magaalada, iyadoo dagaalka u abaabulan yahay qaab qabiil.

Dagaalka ayaa la isu adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana uu laga cabsi qabaa inuu magaalada oo dhan ku fido.

Guddoomiyaha degmada Marka ayaa sheegay in dagaalka uu u dhaxeeyo labo maleeshiyo beeleed oo horay ugu dagaalamay magaalada.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka la isu adeegsanayo qoryaha ka dhaca gaadiidka dagaalka.

Shacabka ku dhaqan xaafadaha Buulo Jaan iyo Beyturaas ayaa ka barakacay, waxaana dagaalka uu bilowday xalay oo muddo saacado socday, iyadoo maanta barqadii uu dib u bilowday.

Xaalada Magaalada Marka ayaa sanadihii u dambeeyay aheyd mid aan deganeyn, waxaa ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed oo ka tirsanaa ciidanka dowladda, kuwaasoo isku hayay gacan ku heynta maamulka magaalada.