Fariin loo diray Xildhibaanada Barlamaanka Soomaali Si Go aan Loga Gaaro wasiir Xoosh

0
326

Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maalinta berri kulan ka leh go’aan ka gaarista Kiiska Wasiirka Arrimaha Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil, kaasoo muran ka dhex galay Baarlamaanka dhexdiisa.

 

 

Fariimo qoraaleed loo diray Xildhibaanada golaha shacabka ayaa lagu wargeliyay in maalinta berri oo ah Arbaco, Taariikhduna tahay 2 bisha August inay soo xaadiraan kulanka guud ee golaha shacabka.

 

“Mudane Xildhibane, berri oo ah Arbaco Tr. 02/08/2017 Saacadda: 09:00am waxaa jira kulanka guud ee golaha shacabka. Ajendaha: ka doodista iyo go’aan ka gaarista Wasiirka Arrimaha Dastuurka”ayaa lagu yiri fariimo qoraaleed Xafiiska Guddoonka Golaha shacabka u diray Xildhibaanada.

 

Axadii la soo dhaafay ayay aheyd markii Wasiir Xoosh uu ka cudur daartay u yeeristii Baarlamaanka, xilli Xildhibaanada ay sugayeen, waxaana taas ka dhashay muran Xildhibaanada ku kala qeybsameen go’aanka laga gaarayo, iyadoo codsi fasax ah oo uu soo gudbiyay Guddoonka oo ahaa inuu hor imaanayo Baarlamaanka 11 bisha Agosto ayaa cod loo qaado in loo ogolaado iyo in kale, iyadoo Xildhibaanada qaar ay soo jeediyeen in dib u eegis lagu sameeyo xilkiisa, maadaama uu ka dhega adeegay u yeeristii Golaha shacabka.

 

Guddiga Joogtada ayaa la filayay inay go’aan ka gaaraan Arrinta Wasiirka, inkastoo go’aan ka gaaristiisa ay soo hor-dhigeen kulanka Guud ee Golaha shacabka oo maalinta berri looga doodayo.

 

 

Wasiir Xoosh ayaa xilligan ka maqan dalka, oo uu safar caafimaad u aaday dalka dibaddiisa, waxaa la ogeyn go’aanka Baarlamaanka uu qaadan doono nuuca uu noqonayo.

 

Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa maalmihii la soo dhaafay qoraalo uu soo dhigayay bartiisa bulshada ku weerarayay Baarlamaanka, taasoo xiisada u dhaxeysa isaga iyo Baarlamaanka cirka sii gelineysay.

 

Dadka odorasa siyaasada ayaa aaminsan in Ra’iisul Wasaare Kheyre ay tani u tahay imtixaan siyaasadeed, hadii ay dhacdo in Baarlamaanka uu codka kalsoonida kala laabto Wasiir Xoosh, taasoo ah arrin culeyskeeda wadata, ugu dambeyna keeni karta mowjado Xukuumaddiisa ku furanto.