Ganacsato Soomaaliyed Oo Ku Xiran Magaalada Jubba Iyo Dowlada Soomaaliya Oo Ka Hadashay

0
290

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfurta Suudaan ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha wadankaasi, iyaga oo ka wada hadlay arrimo la xiriira ka hortaga dadka Tahriibka ah ee maraya dalka Koonfurta Suudaan iyo sii deynta Ganacsato Soomaaliyeed oo lagu xiray wadankaasi.

Danjire Xuseen Xaaji Axmed ayaa kulankan uu la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfurta dalka Suudaan waxa uu sidoo kale kala hadlay arrimaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Koonfurta Suudaan iyo sidii wax looga qaban lahaa Mukhalisiinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ka Tahriibisa dalkaasi.

Waxa uu sheegay Danjire Xuseen Xaaji in ay la afgarteen in sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabto caqabadaha heysta Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo sidoo kale ciribtirka dadka Tahriibiya Dhalinyarada, taasi oo badbaado wanaagsan u ah Dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfurta Suudaan ayaa ugu dambeyn sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha koonfurta Suudaan in uu kala hadlay sidii xoriyadooda dib loogu soo celin lahaa Ganacsato Soomaaliyeed oo lagu xir xiray magaalada Jubba ee dalkaasi, arrimahaasina si wanaagsan ay ku soo dhamaadeen.

Dad badan oo Afrikan ah ayaa ka cararaya dalalkooda si ay u gaaraan dalalka Yurub oo ay doonayaan inay ka helaan nolol ka wanaagsan midda ay ku haystaan dalalkooda.

Muhaajiriin badan ayaa ku dhintay badda u dhaxeysa dalalka Libya iyo Talyaaniga, xilli ay doonayeen inay ka gudbaan badda qatarta badan, kadibna ay ku dhinteen.