Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo beeniyay in mooshin laga wado Madaxweyne kuxigeenka

0
331

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa beeniyay wararka sheegaya in mooshin laga wado Madaxweyne kuxigeenka maamulkaas Maxamed Xaashi Carabey.

Cali Gacal Casir ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin Xidlhibaano wada mooshin, isla markaana wararkaas ay faafiyeen dad ka soo jeeda Galmudug oo doonaya inay xiisad siyaasadeed abuuraan.

“Ma jirto mooshin ay wadaan Xildhibaanada oo laga keenayo Madaxweyne kuxigeenka, warkaas warbaahinta qaar ayaa faafiyay, iyo dad ka soo jeeda Galmudug”ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay ku guda jiraan howlahooda, isla markaana wax kala qeybsanaan iyo khilaaf aanu u dhaxeyn.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa isa soo tarayay warar ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta oo sheegayay in mooshin laga wado madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed xaashi Carabey.

Baarlamaanka galmudug ayaa bishii May ee sanadkan doortay u Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, kaddib markii uu xilkaas iska casilay bishii February Madaxweynihii hore C/kariin Guuleed