Kulankii Baarlamaanka ee Wasiir Xoosh go’aanka looga gaari lahaa oo baaqday

0
311

Waxaa baaqday kulankii lagu madalsanaa in xubnaha Baarlamaanka Somaliya ay isugu yimaadaan xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho, kadib markii Shirka Baarlamaanka uu u furmi waayay kooram la’aan.

Suxufiyiinta ku sugan xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho, ayaa soo sheegaya Xildhibaanada maanta soo xaadirtay inay aad u yaraadeen, kuwaasi oo buuxin waayay kooramka Xildhibaanada.

Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Somaliya C/wali Sheekh Axmed Muudey ayaa ku dhawaaqay kulanka Baarlamaanka inuu baaqday, maadaama kooram la’aan uu u furmi waayay.

Kooramka uu Baarlamaanka ku furmi karo ayaa ah 139 Xildhibaan, haddii tiradaasi la waayana waxa ay ka dhigan tahay in Kulanka Baarlamaanka uusan furmi karin, Ajanda walba oo horyaalo Baarlamaanka.

Sida muuqata baaqashada kulanka Baarlamaanka ayaa salka ku haysa arimo siyaasadeed, waxaana loo arkaa Xildhibaanada taageersan Wasiir Xoosh Jabriil inay ka dambeeyaan, maadaama aysanba soo xaadirin.