Liiska dadka uu shaqada ka eryey Trump iyo sababaha!

0
303

Lix bilood ayaa laga joogaa markii uu xilka la wareegey madaxweynaha Maraykanka Donald Trump , waxaana xilka uu ka eryey ama cadaadis dartiis isaga tagay dad badan oo maalin kasta ay tiradoodu sii kordheyso, waxa ay xilal muhiim ah ka hayeen Aqalka Cad iyo guud ahaan Maraykanka.

Waxaa ugu dambeeyey Anthony Scaramucci oo ahaa agaasimaha warbaahinta Aqalka Cad, xilkaasi oo uu hayay muddo 10 maalmood ah oo kaliya.

Haddaba waxa aan halkan kusoo taxaynaa liiska dadka shaqada uu Trump ka eryey ama isaga tagay iyo sababaha loo cuskaday.

Anthony Scaramucci

Wuxuu ahaa taageerayaasha ugu waaweyn ee Trump markii lagu jirey ololaha doorashada sanadkii hore, 10 maalmood ka hor ayaana xilka agaasimaha warbaahinta Aqalka Cad loo magacaabay.

Waa nin caan ku ah xaga dhaqaalaha, gaar ahaan suuqa saamiyada ee Wall Street, halkaasi oo uu ka mid ahaa dadka macaashka badan ka sameeyey ee ka tilmaaman.

Inkasta oo uusan shaqada ku raagin, hadana waxa uu warbaahinta u sameeyey ciwaano waaweyn intii yareyd ee uu shaqada joogay.

Sheekooyinkii ugu waaweynaa ee laga qorey waxaa ka mid ah fariin uu soo dhigey boggiisa Twitter-ka oo loo fasirtay in uu ku eedeynayay Agaasimaha Aqalka Cad Reince Priebus in uu mas’uul ka yahay wararka hoosta looga dusinayo saxaafada ee sirta ah. Balse markii dambe waa uu tirtirey qoraalkaasi.

Sababta shaqada looga eryey

Inkasta oo uu ku faanay in uu si toos ah uga amar qaato madaxweyne Trump, oo uusan hoos tagin agaasimaha Aqalka Cad , ayaa waxaa laga yaabaa in taasi ay ugu wacantahay sababta Agaasimaha cusub Jeneraal John Kelly uu xilka oga eryey Scaramucci.

Shaqo ka tagista Scaramucci waxaa la shaaciyey saacado uun kadib markii xilka agaasimaha guud ee Aqalka Cad loo magacaabay Jeneraal Kelly oo horey u ahaa wasiirka amniga gudaha.

Madaxweyne Trump ayaa la sheegey in uu qoonsaday hadalkii Scaramucci ee uu Twitter-ka kusoo qorey.

Waxaa xilka laga direy taariikhda markii ay ahayd 31-dii Jul