Maxaabiistii Somalida Hindiya oo la xukumay

0
343

15 ka mid ah 118 Maxaabiis ee Soomaalida ah kuna xiran Dalka Hindiya ayaa maanta lagu xukumay min 7 Sano oo Xabsi ah.

15ka Maxaabiis waxaa ay horay u xirnaayeen min 6 Sano iyo bar,waxaana Heshiiska Soomaaliya iyo hindiya ee shalay la saxiixay uu dhigayaa in Maxaabiista lagu xukumo wax ka yar lix bilood uusan saameyneyn heshiiskaas.

Maxaabiista kale ayaa qeybta 2aad Xukunkooda la qaadi doonaa maalinta Sabtiga ah ee soo socota,waxaana halkaas ku sugan Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo heshiiska dhanka Soomaaliya u saxiixay.

Dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya ayaa shalay ku heshiiyay in maxaabiista la is dhaafsado islamarkaana Maxaabiista ay Waddankooda hooyo ku dhameystaan inta u dhiman si ay ehelkooda ula kulmaan.

Yuusuf waxaa uu sheegay in isaga,Wafdiga la socda iyo Qareenka u doodaya Maxaabiista oo Hindi ah ay ka shaqeynayaan sidii 15ka Maxbuus dalka dib loogu soo celin lahaa.