Sarakiisha Ciidamada Degmada Jalalaqsi Ee Gobolka Hiiraan Oo Faah Faahiyey Qaraxyo La Fishiliyey

0
447

Taliyaha Ciidamada Dowladda ee degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan Faarax Aadan Gaafow ayaa sheegay in ay fashiliyeen laba Qarax oo lagu aasay degmada Jalalaqsi ee gobolkaasi.

Labada Qarax ayaa mid ka mid ah waxaa lagu aasay barkontorool oo Ciidamada ay ku leeyihiin duleedka degmada Jalalaqsi, halka midka kalena lagu aasay gudaha magaalada.

Faarax Aadan Gaafow Taliyaha Ciidamada Dowladda ee degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in la helo xogta arrintan in ay ku suurta gashay wada shaqeyn dhab ah oo dhexmartay Ciidamada iyo shacabka.

“Waa laga war helay labada Qarax, mid ka mid ah waala Qarxiyay halka mid kalena la soo bixiyay, cidna wax kuma gaarin, xogta arrintan in la helo waxaa sahashay wada shaqeyn dhexmartay Ciidamada iyo shacabka”. Ayuu yiri Taliye Faarax Aadan.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo iyo baaritaano waxa ay ka sameeyeen goobaha lagu aasay Qaraxyada, inkastoo weli aanan la sheegin cid loo soo qabtay falkan.

Al-shabaab oo ku sugan bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya ayaa dhowr mar waxa ay weeraro toos ah iyo Qaraxyo ay ka geysteen degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.