Wafdi ka socda Soomaaliya oo Hindiya U Tagay Sidii Loo Soo Deyn Lahaa Maxaabiis Soomaaliyeed Oo Halkaa Ku Xiran

0
273

Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Yuusuf Garaad Cumar ayaa Gaaray dalka India.

Waxaa lagu waddaa in ay lasoo wareegaan Maxaabiis Soomaaliyeed oo loo heysto falal burcadnimo oo ku xiran dalka Hindiya.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa horay u sheegay in dowladda Soomaaliya ay waddo qorshe ay kula soo wareegayso Maxaabiis ka badan 118 qof oo ku xiran dalka Hindiya.

Dowladda Soomaaliya ayaa intii ay jirtay ku guuleysatay in ay soo deyso Maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xirnaa dalka Itoobiya Muddo badan.

Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalka India ayaa la kulma dhibaatooyin xooggan waxaana badankood loo heystaa falal Burcadbadeednimo.

Waxaana dowladdu ay sheegtay in muddo ka yar sanad in dhammaan Maxaabiista ku xiran dalalka Caalamka Muqdisho la keeni doono.