WAR DEG DEG AH Guddoobiyaha Baarlamaanka Somaliland oo Xilka iska casilaayo {DHAGEYSO Sababta}

0
359

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Somaliland C/Raxmaan Cabdullahi Cirro ayaa ku dhawaaqay in uu maalinta berri oo Arbaco ah ka tagayo xafiiska Guddoonka Golaha wakiillada ee Maamulka Somaliland.

 

 

Guddoomiye ku xigeennada Cirro oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa fadhi deg deg ah isugu yeeray Golaha wakiillada ee Maamulka Somaliland si loogu sugnaado madasha uu isku casilayo Guddoomiyaha Golaha wakiillada C/raxmaan Cirro.

 

 

Cirro ayaa isu doyaarinaya in uu u tartamo xilka madaxtinimada Maamulka SOmaliland oo dhawaan la filayo in ay dhacdo doorashada madaxweynenimo ee Somaliland.

 

 

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha wakiillada Somaliland Dr Cali Yuusuf; ayaa sheegay in Cirro uu iyaga weydiiyay waqtiga ay jecelyihiin in uu xafiiska banneeyo,wacaana uu sheegay in ay ugu jawaabeen sida ugu dhaqsiyaha badan,isagana sidaas ku dalbaday in berri oo Axad ah Taariikhduna tahay 2-8-2017 Xafiiska uga tago.

 

 

13ka November ayaa la filayaa in ay dhacdo doorashada Madaxtinimada Somaliland taas oo tiro labo jeer oo hore dib u dhac ku yimid kaddib markii ay soo baxeen culeyso sababi waayay in ay doorashadaas dhacdo.