WAR DEG DEG AH : Qarax Gaari Oo ka Dhacay Kismaayo

0
313

Qarax khasaare geystay ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay meel ku dhow Madaxtooyada maamulka Jubbaland, sida ay soo sheegayaan Dadka ku sugan magaaladaasi.

Qaraxan oo loo adeegsaday Gaari Walxaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa lala bartilmaameedsaday Maqaaxi dad shacab ah ay ku sugnaayeen oo ku taalla Agaggaarka Madaxtooyada Jubbaland.

Dadka baraha Internetka isticmaalaya ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa soo sheegaya Qaraxa in uu ahaa mid si weyn looga maqlay xaafadaha ay kooban tahay magaalada Kismaayo, maadaama Qaraxa uu ahaa mid xoogan.

Qof kamid ah dadka deegaanka  ayaa yiri “Goobta uu Qaraxa uu ka dhacay waa meel Maqaaxi ah, Gaari ayaa isku Qarxiyay, waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, Ciidamada ammaanka ayaa goobta soo gaaray”.

Gaadiidka gurmadka deg dega ah ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, si halkaasi ay uga soo qaadaan dadka ku waxyeeloobay Qaraxaasi, ayna u gaarsiiyaan goobaha caafimaadka, si loo baxnaaniyo.

Faah faahin dhameystiran goor dhow kala soco Hiiraanweyn.net