WAR DEG DEG AH:.Taliyaha Ciidamada Dekeda Boosaaso oo la dhaawacay

0
431

Taliyaha ciidamada ilaalada Dekada Boosaaso Maxamed Cali Xaashi iyo Labo Askari oo ka tirsan ciidamadiisa ayaa dhaawacyo fudud ka soo gaareen is-rasaasayn xoog leh oo magaaladda Boosaaso ku dhexmartay Ciidamadda Booliska iyo Askar ka tirsan ciidamadda Badda Puntland.

Dhaawaca Taliyaha iyo labada askari ayaa la dhigay Cisbitaalka guud ee dowladda, halkaasi oo lagu dabiibayo, waxayna dhakhaatiirta cisbitaalka sheegeen in dhaawac fudud uu Taliyaha ka gaaray feeraha, islamarkaana uusan u baahnayn in qaliin deg deg ah lagu sameeyo, sidoo kale waxay sheegeen in askarta  ay qabaan dhaawacyo fudud.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in israsaasaynta ay timid kadib markii uu muran soo kala dhexgalay Ciidanka Badda ee PMPF oo isbaaro dhigtay mid ka mid ah wadooinka muhiimka ee Boosaaso iyo ciidamada Booliska oo amar ku bixiyay in laga qaado isbaaaradda la dhigay, ka dibna labada ciidan ayaa rasaas isku furay, taasi oo si weyn looga maqlayay guud ahaan Magaaladda Bosaso.

Dhinaca kale, Xarunta Ganacsiga ee Puntland waxaa subaxnimada maanta ka dhacay mudaaharaad ay ka qayb-qaateen qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Boosaaso, sababta mudaaharaadka dhalisay ayaa ah, kadib markii laga diidey magaalada in wax lagu iibsado lacagta Soomaaliga.

Taliyaha Dekeda Boosaaso Maxamed Cali Xaashi wuxuu muddo 25 sanno ah ka howlgalayay Dekeda Boosaaso oo lagu tilmaamo Dekedaha ugu amniga fiican.