Xiisad Dagaal oo Maanta ka taagan Degaanka Xeraale Ee Gobolka Galgaduud

0
355

Wararka Saakay ka imaanaya Degaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud oo Shalay uu ka dhacay dagaal u dhexeeya Maleeshiyo Degaanka ah iyo Ciidamada Ahlusunna ayaa sheegaya  in Saakay Magaalada laga dareemayo Xiisad Dagaal oo u dhexeysa Labada Dhinac,

Guddoomiyaha Degaanka Xeraale Bashiir Daahir Yuusuf oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay iska Xaabiyeen Ciidamada Ahlusunna oo Weerar ku soo qaaday sida uu hadalka u dhigay.

Magaalada oo Dadkii ku noolaa ay horay uga barakaceen ayaa waxaa ku sugan Dhimacyada isku hor-fadhiya Degaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud.