Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta ka doodaya go’aan ka gaarista xil heynta Wasiir Xoosh

0
334

Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ka doodaya go’aan ka gaarista Xil heynta Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil.

Kulan shalay Guddiga Joogtada ku yeeshay Xarunta Golaha shacabka ayaa waxay isku raaceen in arrinta Wasiirka loo gudbiyo kulanka guud ee golaha shacabka, iyadoo illaa 10 ka mid ah xubnaha Guddiga Joogtada ay ogolaadeen in kiiska loo soo gudbiyay dib loogu celiyo Xildhibaanada, si ay go’aan uga gaaraan.

Kulanka maanta ayaa ah mid aad xasaasi u ah oo isha lagu wada haayo, waxaana la ogeyn sida uu noqon doono go’aanka Baarlamaanka ka qaadan doono arrinta Wasiir Xoosh.

Wasiir Xoosh ayaa lagu heystaa inuu Baarlamaanka hor-tagi waayay, kaddib markii loo yeeray, waxaana uu horay uga hor yimid qaraarkii Xildhibaanada golaha shacabka ku laaleen go’aankii ka soo baxay Maxkamadda sare, kaasoo ahaa in dib loogu laabto doorashada 8 Xildhibaan.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa ayaa sheegay in go’aan ka gaarista ay noqon doonto aqlabiyada halka ay u codeeyaan, marka Guddoonka uu sharxo ajandaha in codka loo qaado Wasiirka uu miiska soo saaro, go’aanka ay u codeeyaan Xildhibaanada ay kala cadaan doonto.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Guddoonka Baarlamaanka ayaa inoo xaqiijiyay in Wasiir Xoosh uu maanta hor imaan doono Golaha shacabka, iyadoo saaka uu ka soo ambabixi doono magaalada Nairobi oo howlo caafimaad u joogo.

Warar aan la xaqiijin karin ayaa sheegaya in Wasiir Xoosh ay dhici karto inuu la hadlo Xildhibaanada golaha shacabka, si uu cudur daar uga bixiyo hadaladiisii ee uu kaga hor-yimid qaraarkii Xildhibaanada Golaha shacabka.

 

Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa dadaal ku bixineysa, sidii ay u difaaci laheyd Wasiir Xoosh, waxaana xalay ka socday magaalada Muqdisho, sida hotelada iyo xafiisyada mas’uuliyiinta dowladda olole la xiriira difaacida Wasiir Xoosh, hadii ay timaado in codka kalsoonida loo qaado.

Dad badan ayaa aaminsan in tani ay imtixaan siyaasadeed u tahay Ra’iisul Wasaaraha oo lagu kala ogaan doono sida Xukuumaddiisa uga badbaadi karto go’aan kasta oo ka soo baxa Baarlamaanka.