{Akhriso}Maanso Ka Hadleyso Xasuusta Hooyo Oo Uu Curiyay Hal Abuur Dalmar Daahir Cismaan

0
4162
✔Hooyadeey xaliimooy
✔Xurriyadda nafteeydiyo
✔Xaragada aduunyada
✔Xaakimkaa gadaashiis
✔Xamdi iyo shakuuriyo
✔Xurmaan kuu hayaa abid
✔Xoori maayo waligeey
✔Xikmadaha oraahdiyo
✔Xarfihii asluubtiyo
✔Xushmaduna ku dheehneyd
✔Xaasidnimo ka dheereeyd
✔Eed xiskeeyga hooyooy
✔Ku xariiqday laabteeyda
✔Xilliigii caruurnimo
✔Xushmeey duulka waaweyn
✔Xafidoo sabigiyo dhalaanka
✔Xayawaankana abid ha shiidin
✔Xaqbeey kugu noqon dushaadee
✔Xaashaalilaahiye hooyo
✔Xiskeeygu markuu isgaaray
✔Xaqiiqada aan ogaaday
✔Xaqiyo ku waanintiisa
✔Xumaanta ka reebisteeyda
✔Xujaad umarteee xayaato
✔Xaqiiqo ku tiirsan diinta
✔Raboow xurmadeeda diinta
✔Ku xafid hooyadeey xaliimo
✔Intaad dusha igu xambaartay
✔Adoo oon la xiiqay hooyo
✔Maxaan hurdo xuurshay aayar?!
✔Intaan kuu xamaali laa
✔Hooyooy ku xambaari laa
✔Abaal kuu xeerin laa
✔Xuduudo dhanbaan talaabay
✔Hadaan xayi noolahoon
✔Aduunyo dul xaagufleeyo
✔Inaan xajka iyo madiina
✔Xaramka aan kuu jaheeyo
✔Ayaan xiska siiyayeee
✔Hadaan hooyooy xijaabto
✔Ku xaara ciidana ay yeerto
✔Aduunyada aan ka xuubto
✔Xabaashana leey dhex seexsho
✔Hooyooy duco igu xasuuso
✔Hadaase xarooto oon
✔Xayaato aan kaa danbeeyo
✔ILAAH xujo kuma horkeeno
✔Xabaashana su’aalaheeda
✔Jawaabo xalaal ah waafaq
✔Xuskiyo ducadaada hooyo
✔Sheeydaan kama xado afkeeyga
✔Ma xumiye hooyo ii xisaabso
✔Xuquuqda ad leeday hooyo
✔Xasuus iyo maba ku gaaro
✔Inaan xa ku koobo maanso
✔Balsee inta aan xasuuato
✔Amaan xaawili karaayo
✔Inaan xuso hooyo maantay
✔Xaq baan u arkaa daliil leh
✔Xujada naga sugi siraadka
✔Inaad xasilooni dhaafto
✔Xuurtiyo aanad arag argaagax
✔Sidii xajka aad uduuli
✔Inaad xuf ku mooddo hooyo
✔Ayaan xaakim kaaga tuugay
✔Inaad xasishood firdoowso
✔Hooyooy rabbi kugu xisaabsho
✔Kuwii naarta laga xureeyey
✔Xabiibkeenii muxamedne (scw)
✔Intii xigsatee ku raad ah
✔Inaad xaq uyeelataan
✔Xamiid kaaga tuugay hooyo