Madaxweyne Erdogan oo mar labaad ku guuleystay doorashada dalka Turkiga iyo dabaaldegyo dhacay: SAWIRRO

0
690

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa markii labaad ku guuleystay madaxweynanimada dalkaasi Turkiga, xilli la tiriyey codadka doorashada laga dhiibtay 99 boqolkiiba sida ay ku warramayso warbaahinta dowladda.

Mr. Erdogan ayaa waxa uu doorashada ugu guuleystay boqolkiiba 52.5, halka musharrixii ugu dhowaa ee ay ishayeen ee Muharrem Ince uu helay codadka boqolkiiba 30.7.

Erdogan ayaa la xaqiijiyey inuu helay 52.5 codadka la dhiibtay oo dhan, sidaasna uu marlabaad ugu guuleystay madaxweynanimada dalkaasi.

Axsaabta mucaaradka ayaa waxa ay cabasho ka muujiyeen in codadka lagu shubtay iyo inay jirtay wax isdaba marin dhanka codbixinta ah.

Codbixiyayaasha ayaa waxa ay dooranayeen madaxweynaha iyo xubnaha baarlamaanka. Xisbiga AK ee Mr Erdogan ayaa iyana ku horreeya kuraasta baarlamaanka.