Akhriso:-Wararkii U Dambeeyey Ee Qaraxyo Iyo Rasaas Laga Maqlay Muqdisho

0
714

Laba qarax ayaa waxa ay goordhow ka dhaceyn Magalada Muqdisho kuwaas oo jugtooda laga malay qeybo badan oo ka mid ah Magalada Muqdisho,waxana qaraxyada xigay rasaas xooggan oo la isku ridayey.

Qarax koowaad oo ka dhacay agagaarka taalada SYL oo aan ka fogeyn Madaxtooyada ayaa waxa ka hor la maqlay rasaas xooggan,waxana goobjoogayaal ays heegeen in gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa uu xoog ku soo gudbay koontoroolka ciidamada,ka dibna ay rasaaseeyen sidasina uu ku qarxay.

Waxaa daqiiqado ka dib xigay qarax kale oo jugtiisa laga maqlay Muqdisho,sidoo kale qaraxyo kale oo u muuqday bambaanooyinka gacanta laga tuuro ayaa la amqlay.