Al-shabaab oo Guryo ku gubay deegaanka Caad ee G.Mudug

0
649

Wararka ka imanayaa degaanka Caad ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in dagaalamayal ka tirsan Al-Shabaab ay dab qabadsiiyeen Guryo badan oo ku yaala degaankaasi.

Dadka degaanka  ayaa Sheegay in Al-Shabaab weli ay ku sugan yihiin degaanka Caad ee gobalka  Mudug, islamarkaane ay bilaabeyn in gubaan Guryaha iyo wixii la mid ah si ay ugu aar-gutaan dagaalkii ay la geyn dadka deegaanka.

Mahad Xasan Maxamed  Wasiir ku xigeenka Amniga ee maamulka Galmudug oo la hadlay warbaahinta muqdisho ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dhibaato badan ku hayaan Shacabka ku nool Degaanka Caad ee iyo deegaano kalaba.

Wuxuuna sheegay maamulka Galmudug ay ka arinsan doonaan arintaas iyo sidii wax looga qaban lahaaba.

Deegaanka Caad ayaa waxaa ka taagan Xiisad dagaal oo u dhaxeysa dadka deegaanka iyo dagaalamayaasha Al-shaabab.