{DAAWO MUQAALKA} Ra iisulwasaraha soomaaliya oo Isbitaalka Ku booqday dadkii ku dhawacmay werarkii Muqdisho

0
607

Ra iisulwasaraha soomaaliya oo Isbitaalka Ku booqday dadkii ku dhawacmay werarkii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho,

Xasan Cali Khayre ayaa caawa booqday Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii maanta lala beegsaday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga.

Mr Khayre Ra’iisul wasaare Khayre oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale Tacsi u diray dadkii ku Naf-waayay Qaraxaas ay arxanlaawayaashu u qorsheeyeen inay ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed.

Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in dhaawacyada aan dalka waxba lagaga qaban karin ay dawladdu u qaadayso dalka dibaddiisa, Kuwa dalka lagu daaweyn karana ay Dawladdu kafaalo qaaday.