{DAAWO SAWIRADA} Gurigii ugu horeeyay oo loo naqshaddeeyay farsamada 3D oo la dhisay

0
716

Qoys ku nool dalka Faransiiska ayaa noqday kii ugu horeeyay oo loo dhiso guri gabi ahaantiisba lagu daabacay makiinada, kana mid ah casriga tiknoolajiyadda cusub ee adduunka kusoo kordhay.

Habkan waxaa loo yaqaanaa 3D, waxaana shaqada oo dhan qabanaya mashiin sidii shamiindada u shubaya maaddo daqiiq ah oo cad, taas oo lakabyo la isu dulsaarayo.

Hase yeeshee firaaqada u dhaxaysa lakabyada ayaa waxaa lagu shubayaa shamiindo, si darbiga u askaado.

Waxaa farsadamadan 3D-da loogu talogalay in ay celiso qaboowga iyo kuleelka, gurigana uu lahaa heer kul isu dheelitiran, oo u adkaysan kara xaalad kasta.

Waa nidaam cusub oo hadda tijaabo ku jira, waxayna noqonaysaa markii koowaad oo muddo kumanaan sano ah kadib dhismaha guryaha loo isticmaalo wax aan ahayn dhagxaan iyo alwaaxyo.

54 saacadood kaliya ayaa lagu dhisi karaa guriga oo dhan, wuxuuna boqolkiiba 20% ka raqiisanyahay guryaha la mid ah ee siyaabaha kale loo dhiso.

Kooxda gurigan dhistay ayaa waxa ay qabaan in hal guri ay ku dhisi karaan 33 saacadood oo kaliya.

Maadada 3D-ga ayaa waxa ay u egtahay sidii kabartii shinnida ama xabag barshada ama xitaa guriga xoonka oo kale, waana hab aad u qurux badan.

Guriga ayaa marka hore lagu soo naqshadaynayaa meel gaar ah, kadibna iyada oo naqshaddii lagu shubey makiinada ayaa lala imanayaa goobtii laga dhisi lahaa guriga.

Kadibna lakab-lakab ayaa loo shubayaa maadada meesha ku jirta, waxaana loo dhaxaysiinayaa shamiindo.

Dib ayaa looga dhajinayaa albaabada iyo daaqadaha.

Waxaa fikradan soo hindisay ninka lagu magacaabo Benoit Furet oo ka tirsan jaamacadda Nantes, wuxuuna qabaa in habkan lagu dhimi karo qarashka ku baxa dhimsha guryaha boqolkiiba 25%.

Waxa kale oo qabaa in qaabka daabacaadda uu dadka injineerada fursad u siinayo in ay la yimaadaan hal abuur badan oo xagga naqshadaha ah.

Waxaa ka mid ah in xitaa guryo ku habboon dadka curyaamiinta loo samayn karo si sahlan.

Balse tan ugu weyn ayaa ah wanaagga uu gurigan u leeyahay illaalinta deegaanka. waxaana la dhisi karaa iyada oo aanan la geysanin burburin badan oo xagga deegaanka ah.