Dowlada Jordan oo sheegtay in dad suuriyaan ah ay dib kaga Laabteen Xuduuda

0
570

Dowlada Jordan ayaa shaaca ka qaaday in tiradii ugu horeysay qaxootiga suuriya ay bilaabeen in ay dib ugu laabtaan gudaha dalkooda kadib dagaalo laba isbuuc ee la soon dhaafay ka dhacay gobolka Deraa.

Dib u laabashada dadkaan ayaa timid kadib saacado uun Markii wadahadal dhexmaray kooxaha Mucaaradka iyo Dowlada la isla af gartay in Milatariga suuriya ay Joojiyaan weerarada ka dhan ah degaanada ay Mucaaradka kaga sugan yihiin Koonfurta dalkaasi.

Hadalkaan ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay sargaal ka tirsan ciidamada Milatariga Jordan oo Lagu Magacaabo ouda shudaifat,Balse ma uusan xusin tirada ay la egyihiin dadka laabanaya.

Waxyaabaha Lagu heshiiyay ayaa waxaa ka mid ah in Mucaaradka ay hubkooda Ku soon wareekiyaan dowlada si iyagana ay kaga nabad Galaan Madaafiicda dowlada in bartilmaameed u noqdaan.

Xabad Joojinta ay Ku dhawaaqday dowlada suuriya ayaa waxaa soon dhaweeyay shacabka suuriya ee Ku barakacay Colaada labadii isbuuc ee la soo dhaafay.