Garsoore loo heesto Laaluush qaadasho oo Xukun adag La Dul Dhigay

0
647

Xiriirka kubada cagta ee Qaarada Afrika ee loo yaqaan Caf ayaa cayaaraha ka mamnuucay Garsoore u dhashay dalka Kenya oo Lagu helay Laaluush Qaadasho kadib kulamo ay yeesheen Xulalka Afrika.

Aden Marwa oo Ka mid ahaa caawiye yaashii koobkii Aduunka ee laga qabtay dalka Brazil sanadii 2014 tii ayaa Lagu eedeyay in uu qaatay lacag dhan lix boqol oo dolar sida ay soo bandhigeen wariye yaal ka tirsan Laanta BBC-da qeybteeda Afrika.

Xiriirka Afrika ayaa sidoo kale Ganaax Gaaraya 10 sano duo dhigay kadib kulan ay qaateen gudiga Anshaxa,kuwaasi oo Lagu eedeyay dhaqan xumo.

Garsoore Aden Marwa ayaa waxaa uu ka mid tahay Garsoorayaasha ugu wanaagsan ee sida weyn looga qadariyo gudaha Kenya waxaana shacbiyada uu Ku leeyahay cayaaraha Afrika ay sii kaceysay kadib markii uu ka qeyb galay cayaarihii Brazil.

Arintaan ayaa waxaa sidoo kale aad uga Naxay bahda cayaaraha ee gudaha dalka Kenya lamana oga in Garsoorahaan uu racfaan ka qaaday doono ganaaxa looga mamnuucay in guud ahaanba uu u qabto dhexdhexaadinta cayaaraha.