Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Maanta Tegaya Mid Ka Mid Ah Degmooyinka ay Go’doomiyen Al-Shabaab

0
687

Guddoomiyaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku sugan Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay ayaa saacadaha soo socda waxaa la filayaa in uu gaaro degmada Xudur  ee Xarunta gobolka Bakool.

Safarka Guddoomiyaha ayaa waxaa ku wehlin doona Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan,xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka iyo Wasiiro ka mid ah kuwa koonfur galbeed

Gdoomiyaha Golaha shacabka iyo Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan Maamulka iyo qeybahaa kala duwan ee bulshada degmada Xudur.

Sidoo kale Saacadaha ay ku sugan yihiin waxa ay howlo indha-indheyn ah ay ku tegi doonaan xerooyinka dadka barakacayaasha ah ee kaga sugan yihiin degmadaas,oo ka mid ah degmooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab ee deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed.

Ammaanka guud ee degmada xudur ayaa aad loo adkeeyey,waxaan halkaasi ka socotay diyaar garoowga soo dhaweynta wafdiga guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo xubnaha la socda.