Gudiyada dib u eegista Dastuurka oo sheegay in faragelin lagu hayo shaqooyinkooda.

0
511

Gudiyada dib u eegista Dastuurka ku meel gaarka ah ee kala ah Guddiga Madaxa Banan, kan Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa Gole ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ayaa si Wadajir ah waxaa ay u sheegeen in loo gacan dhaafay Shaqadii loo igmaday ee aheyd dib u eegista Dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.

Waxaana hadalkan warbaahinta la wadaagay Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo ah Xoghaya Guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaana uu intaasi raaciyay in Guddiyada Dastuurka aysan haysanin waxyaabihii ay ku shaqeyn lahayeen Xukuumadaha heer fedderaal iyo heer dowlad Goboleed sida senatorku uu hadalkiisa u dhigay.

Guddiga Madaxa Banaan ee dib u eegista Dastuurka Soomaaliya ayaa maanta shan Cutub oo laga soo shaqeeyay waxaa ay  ku wareejiyeen xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlaanka Soomaaliya  Maxamed Daahir Afrax