WAR DEG DEG:-Afhayeenkii Wasaaradda Amniga Oo xilkii Laga qaaday,

0
735

Cabdi Casiis Cali Ibraahim xildhibaan Afhayeenkii Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in dowladda Soomaaliya warqad xilka looga qaadayo.

 

Isaga oo Caawa Warbaahinta  la hadlay ayuu sheegay in Warqadaas uu soo gaarsiisay Wasiirka Amniga balse isagu mudo Shan Cisho ah kahor uu xilkii Afhayeenimo iska casilay wallow aysan jirin in uu Warbaahinta la wadaagay is casilaadaas.

Shalay ayaa waxaa Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya uu jeediyey hadalo uu ku weeraray Madaxda dowladda Soomaaliya si gaar ah laamaha amniga,isaga oo ka fal celinayey weerarkii Al-Shabaab Sabtidii ay ku qaadeen Xarunta Otta Otte oo ay ku yaalaan Xarumaha Wasaaradaha amniga iyo Gudaha.