WAR DEG DEG Ah:.Maareeyaha Hay’adda Duulista oo shaqada laga joojiyay

0
562

Sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Duulista Hawadda Soomaaliya waxaa shaqo joojin lagu sameeyay Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya Yuusuf Cabdi Cabdulle Yuusuf (Jaalle).

Maxamed C/laahi Oomaar  Wasiirka Duulista Iyo gaadiidka Hawada ayaa shaqo joojinta ku sameeyay Maareeyaha.

Wasiirka duulista Hawadda Warqad ka soo baxday Xafiiskiisa , waxaan si KMG ah shaqada loogu soo dhiibay Ku xigeenkiisa Maadaama Yuusuf Shaqadda laga joojiyay.

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda duulista Hawadda ayaa Risaala u xaqiijiyay in muddooyinkii dambe uu jiray Khilaaf u dhaxeeyay Wasiirka iyo Maareeyaha.