Home Wararka Ciidamada AMISOM oo sheegtay inay isku fureyso waddooyin ka tirsan Hiiraan

Ciidamada AMISOM oo sheegtay inay isku fureyso waddooyin ka tirsan Hiiraan

0
175

AMISOM waxa ay sheegtay in dhibaato badan ay ka taagan tahay wadadaasi, howlgalladana ay rajeynayaan in wax uu ka badali doono amniga guud ee gobolka Hiiraan.

“Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, waxay qaadayaan howlgal wada jir ah oo lagu doonayo dhaq dhaqaaqa xoriyadda wadooyinka, ciidamada waxay furayaan waddooyinka ugu muhiimsan ee isku xira Baladweyne iyo Jalalaqsi”. ayaa lagu yiri qoraalka la soo dhigay barta Twitterka AMISOM.

AMISOM waxa ay sheegtay in ay rajeyneyso isku furista wadadan ay fududeyn doonto gargaarka bini’aadanimada, ee la doonayo in la gaarsiiyo dadka ku nool halkaasi.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay dhawaan in ciidamada Soomaaliya ay ka kala bilaabeen howgallo Baladweyne iyo Balcad, waxa uuna xusay in ay isugu imaan doonaan deegaanka Fiidow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here