(DAAWO SAWIRADA) Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Manta la Wareegay Ciidan iyo Deegaano ay ka Talinayeen Maleeshiyo iskood isku Abaabulay.

0
444

Maamulka gobolka hiiraan ayaa maanta LA wareegay ciidamadii maamulka Westland oo ka dhisnaa galbdeedka magalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan.
Munaasabad maanta lagu qabtay xarunta ciidamada westland ayaa waxaa ay aheyd mid maamulkaasi oo gooni istaag ahaa kula midoobayay maamulka hirshabeelle iyo dowlada federalka ah waxana Westland ay wareejisay dhamaan ciidankii iyo xarumihii ay ka howl gali jireen ee gobolka hiiraan.

Gudoomiyaha gobolka hiiraan yuusuf axmad Hagar ayaa soo dhaweeyay Ku biiritaanka ciidamada Westland oo ahaa kuwa LA dagaalamo al shabaab waxana gudoomiyaha gobolka hiiraan uu balan qaaday in uu xaquuqda ay leeyihiin u raadin doono ciidamada maanta kusoo biiray ciidanka xoga dalka

Taliyaha guutada shanaad ee ciidanka xooga Gobolka Hiiraan Faarax Cali Waasuge ayaa soo dhaweeyay Ku biiritaanka ciidamada Westland waxana uu sheegay in dowlada federaalka ah ay ka warqabto ciidankan ayna xaquuqdooda ka heli doonaan.

Ciidamada Westland ayaa waxaa ay dhisneeyen mudo 5 sano ah waxaan Dagaalka kala duwan la galeen Al.shabaab tiradada ciidamada lagu wareejiyey ayaa gaarayey 500 oo askari

 

 

 

S.Q Aadan Abdi Axmed

Radio Hiiraanweyn Baladweyn

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here