{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Waare oo Xariga ka Jaray Qaar Ka Mid Ah Xaruumaha Wasaaradaha Hirshabelle,

0
270

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo agaasimaha hay’adda UNDP ee Soomaaliya Ceorge Conway ayaa maanta si wadajir ah xariga uga jaray xarumo cusub oo ay ku shaqeyn doonaan qaar ka mid ah wasaaradaha Hirshabelle ee magaalada Jowhar.

Mashruuca lagu dhisay xarumahan ayaa waxaa maalgalisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan barnaamijka horumarinta ee UNDP, waxaana hirgaliyay Wasaaradda howlaha guud iyo Dib u dhiska Hirshabelle.

Mas’uuliyiinta Ka socday UNDP ee soo Gaaray Maanta Magaalada Jowhar ayaa kulan kula qaatay Qasriga madaxtooyada Hirshabelle Madaxweynaha, ku Xigeenkiisa, guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle, Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka, iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada Hirshabelle, waxayna ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa Xiriirka Hirshabelle kala dhexeeya UNDP islamarkaana mashaariic wax ku ool looga hirgalin lahaa taasi oo qeyb ka ah shaqo abuurka Dhalinyarada iyo ka wacyi galinta Xagjirnimada, dhisida iyo horumarinta Hey’adaha Dowladda.

Munaaasabad Kooban oo lagu qabtay xaruntaasi ee Magaalada Jowhar oo dayactirka lagu sameeyay ayaa waxaa si wada jir ah xariga ugu jaray Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxa UNDP ee Soomaaliya George Conway, waxaana Goob Joog ka ahaa halkaasi Madaxweyne Ku xigeenka Dowladda Hirshabelle mudane Cali Guudlaawe Xuseen, wasiirada Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Howlaha Guud, Amniga, Maaliyadda, iyo Cadaaladda, Maamulka Heer Gobol iyo Heer Degmo iyo Mas’uuliyiin Kale.

Agaasimaha hay’adda UNDP ee Soomaaliya Ceorge Conway ayaa sheegay in maanta uu magaalada Jowhar u yimid xarig ka jarka xarumahan loo dhisay wasaaradaha Hirshabeelle asaga oo sheegay in ay farxad u tahay ka qeyb galka howlaha noocaan ah.

“Maanta farxad ayay noo tahay inaan imaano Jowhar si aan xariga uga jarno mashruucan lagu dhisay xarumaha qaar ka mid ah Hirshabeelle, waxaan sii laba jibaari doonaan sidii maamulka uga caawin laheyn wax kasta oo aan awoodno”ayuu yiri Ceorge Conway.

Ceorge Conway ayaa tilmaamay in kulan uu la qaatay guddoonka baarlamanka Hirshabeelle ay uga wada hadleen sidii UNDP ay u tageeri laheyd baarlamanka Hirshabeelle.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in maanta maamulkiisa ay farxad u tahay in lagu soo wareejiyo xarumihii ay ku shaqeyn lahayeen wasaaradaha.

“Waxaan ku faraxsanahay maanta in madaxa hay’adda UNDP ee Soomaaliya uu maanta nagu wareejiyo xafiisyadii ay ku shaqeyn lahayeen wasaaradaha Hirshabelle”ayuu yiri madaxweyne Waare.

Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in sidoo kale xubnaha ka socda UNDP ay isku afgarteen in ay si wada jir ah uga shaqeeyaan arrimaha sharciga gaar ahaan, maxkamadaha, xabsiyadda iyo booliska.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa tilmaamay in arrimaha kale ee ay ka wada hadleen UNDP ay tahay sidii dhalinyarada looga wacyigelin lahaa xagjirnimada, taasoo horumar u ah Hirshabelle islamarkana dhankooda ay kaalin ka qaadan doonaan sidii loo hirgelin lahaa barnaamijkaasi

Maalmahaan ayaa la filayaa In la Hirgaliyo mashaariicyo waaweyn oo waxtar u leh dadka iyo dadka taasi oo qeyb ka ah Dadaalada Madaxweynaha Waare uu ku doonayo sal u dhigida iyo Horumarinta Dowladnimada Hirshabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here