DEG DEG: Taliyaha Nabadsugida Xuseen Cismaan oo si rasmi isaga casilay xilkiisa

0
178

Taliyaha Hey’adda NISA Xuseen Cismaan Xuseen ayaa si rasmi ah isaga casilay xilkiisa, isagoo istiqaaladiisa u gudbiyay Madaxweynaha.

Sida lagu shaaciyay barta Twitterka ee NISA is casilaada Taliye Xuseen Uurkuus ayaa lagu sababeeyay arrimo u gaar ah.

Wararka ayaa sheegaya inuu isku diyaarinayo Musharaxnimada xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed, iyadoo la filayo inuu noqdo Musharaxa ay dowladdu wadato.

Xuseen Cismaan Xuseen ayaa horay Xildhibaanimadiisa uga tagay magacaabidii xilka Taliyaha NISA, kaddib markii la magacaabay bishii February ee sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here