Diyaarado duqeyn ka geystay gobolka Gedo

0
139

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ay leedahay dowladda Kenya ayaa waxaa la sheegay in xalay ay duqeyn ka geysteen degaan lagu magacaabo Dhiigtaar oo ka tirsan gobolka Gedo, sida ay sheegeen saraakiil  ka tirsan maamulka Jubbaland.

Dadka degaanka ayaa warbahinta u sheegay in ay arkeen diyaarado Gantaalo ku ridaya goobo la sheegay in ay dhaq dhaqaaq ka wadeen xoogag ka tirsan ururka Al Shabaab.

Si dhab ah looma xaqiijin karo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Duqeynta ciidamada Kenya ay ka geysteen halkaasi, waxaana weli socda uruurinta xogta iyo macluumaadka la xiriira Duqeyntaasi.

Goobta Duqeynta ay ka dhacday ayaa ah degaan inta badan ay isticmaalaan ciidanka Kenya, marka ay doonayaan in ay isaga kala gudbaan xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.

Saraakiisha ciidamada Jubbaland ayaa inoo sheegay in ay jirto Duqeynta, waxayna tilmaameen qorshahan inuu qeyb ka yahay dagaal kordhinta lagula jiro ururka Al Shabaab.

Kenya ayaa Koonfurta Soomaaliya waxa ay ku fulisaa Duqeymo ay la eegato fariisimo ay sheegto inay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab ee xoogooda ka dagaalama Koonfurta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here