FAAH FAAHIN Qaraxyo goor dhow ka dhacay Magaalada Baydhabo iyo rasaas laga maqlayo

0
131

Sida ay sheegayaan warar goor dhow na soo gaaray labo qarax oo isxigay ayaa ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Qaraxyada oo dhacay 20 daqiiqo ka hor salaadii maqribka ayaa la soo sheegayaa iney ka dhaceen bartamaha magaalada.

Rasaas culus oo ay ridayaan ciidamada amaanka ayaa la so sheegayaa iney si goos goos ah u dhaceyso, iyadoo jawiga magaalada Baydhabo uu mar qura isbedelay.

Gaadiidka gurmadka ambalaasta ayaa goobaha ay wax ka dhaceen ku sii kala cararaya, welina lama oga cida lala beegsaday qaraxyadan iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here