(War-Saxaafadeed) Madaxweynaha Hir-Shabeelle Oo Eedeyn Kulul U Jeediyay Dowlad Goboleedyada

0
188

War qoraal ah oo ka soo baxay Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa eedeyn loogu jeediyay Madaxda Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Warkasta oo ka soo baxa Golaha iskaashiga Dowlad Goboleedyada uu yahay sharcidarro,isla markaana qeyb ka heyn Maamulka Hir-Shabeelle.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay in Golaha loo aas aasay inuu ka Shaqeeya Danaha dowlad Goboleedyada dowladda federaalkana kala Shaqeeyo Arrimaha,qeybsiga Kheyraadka,dhameystirka Arrimaha Dastuurka, Doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee 2020 iyo siyaasada loo dhan yahay,balse aan loo aas aasin inuu noqdo isbaheyso mucaarad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here