Beesha Caalamka oo cambaareeyey Weerarkii Argagixiso ee shalay ka dhacay Muqdisho

0
62

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska xoghayaha guud ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa Antonio Gutters ayaa lagu cambaareeyey weerarkii  shalay ay Muqdisho ka geysteen Alshabaab.

Wuxuu shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda uga tacsiyadeeyey dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii shalay, wuxuuna xusay in aanay wax saameyn ah ku yeelan doonin falalkaasi  howlaha ay ku taageerayaan Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa qoraalkaasi lagu sheegay in QM ay sii wadi doonto joogteynta taageerada ay la garab istaagan yihiin dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda.

Dhanka kale dowladaha saaxiibada la ah Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkaasi  iyagoo muujiyay sida ay u garab taagan yihiin Soomaaliya.

Waxaa kamid ah Isbahaysiga Islaamka, Dowladda Turkiga iyo wadamo badan oo saaxiib dhow la ah Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here